Sirdoonka Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen lix horjooge oo ka tirsanaa Alshabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamiga ah ayaa hawlgal qorshaysan ku dishay lix horjooge oo ka tirsanaa AS sida ay shaaciday NISA.

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi laga fuliyay degaanka Buq-aqable oo ka tirsan gobolkq Hiiraan.

Hay’adda NISA ayaa sidoo kale shaacisay magacyada horjoogayaasha lagu dilay hawlgalka oo ka kooban lix horjooge sida ku cad war-saxaafadeedka.

Cismaan Cali Cabdi (Caanooy), Buulle Kabey, Maxamed Abuukar, Cabdisalaan, Macallin Yaasir iyo Macallin Aadan Fanax ayay hay’adda NISA ku sheegtay magacyada horjoogayaasha.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST