Itoobiya oo loo celiyay Diyaarad ay sameesteen oo loogu magacdaray Gabar (Sawirro)

Dowladda Talyaaniga ayaa dib ugu celineysa dalka Itoobiya diyaarad lagu sameeyay gudaha Itoobiya, waxaana diyaaradan Talyaaniga kasoo qaatay dalkaasi waqtigii uu xukumayay nidaamkii faashiistaha ahaa.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiyab Abiy Axmed oo ku sugan magaalada Roma ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad  Itoobiya dib loogu celinayay diyaaradii ay lahaayeen.

Diyaaradan oo lagu soo bandhigay madxaf kuyaalla dalka Talyaaniga ayaa lagu sameeyay gudaha dalka Itoobiya sannadkii 1935 tii, waxaana diyaaradan Itoobiya u gashay dedaal badan sidii ay usoo ceshan laheyd.

”Maanta waa maalin ay ku faanaan Itoobiyaanka, anagoo u dabaaldageyno wareejinta rasmiga ah ee diyaarada “Tsehay”. Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Diyaaradan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee laga sameeyo gudaha dalka Itoobiya sannadkii 1935-tii, waxaana diyaaradan loogu magac daray gabar uu dhalay boqorkii hore ee Itoobiya Haile Selassie.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –