Sida Ay Noqon Doonto Shaxda Chelsea Kadib Markii Uu Suuqa Xagaagu Xidhmay, Yaa Iska Celinaya?

Kooxda chelsea ayaa ahayd kooxda wacdaraha ka dhigtay suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo si fiican isaga xoojisay dhamaan boosaska kala duwan intii uu furnaa suuqa xagaaga.

Thomas Tuchel ayaa u muuqda in uu haatan dhisay kooxda uu isagu doonayo kadib marki uu taageero weyn ka helay milkiilaha cusub ee kooxda.

Tuchel ayaa sameeyay saxiixyo fiican oo uu ka mid yahay daafaca ugu qaalisan suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay baanka u jabiyeen xiddiga Fofana.

Hadaba Chelsea ayaa heli doonta shaxda ugu fiican ee soo marta sanadihii ugu dambeeyay iyada oo noqon doonta koox ay ka cabsadaan kooxaha kale.

Hadaba waxa la soo saaray sida ay noqon karto shaxda chelsea ama shaxda ugu adag ee Blues kadib markii la soo afjaray suuqa kala iibsiga xagaaga.