WARBIXIN: 10-kii Saxiix Ee Ugu Qaalisanaa Ee Premier League Oo La Soo Saaray.

Horyaalka premier Leageu ayaa mar kale jabiyay rikoodha suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo suuqa galiyay wax la badan 1.4 bilyan euro intii uu furnaa suuqa xagaaga.

Kadib markii si Rasmi ah loo soo xidhay suuqa kala iibsiga xagaaga waxa la shaaciyay 10-kii saxiix ee ugu qaalisanaa ee ay sameeyeen kooxaha premier League.

Kooxaha Liverpoool, Man City, Man United iyo chelsea ayaa sidii caadada ahayd ka mid ah kooxaha sameeyay saxiixyada ugu qaalisan suuqa kala iibsiga xagaagan.

Chelsea ayaa ah kooxda lacagta ugu badan galisay suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo la soo saxiixatay xiddigo ay ka mid hiyihiin Wesley Fofana, Marc Cucurella, Kalidou Koulibaly & Raheem Sterling.

Liverpool iyo Man City ayaa dhankooda sameeyay saxiixyo waaweyn kadib markii ay la soo saxiixdeen xiddigaha Erling Haaland iyo Darwin Nunez.

Arsenal ayaa lafteedu samaysay saxiixyo si fiican ula qabsaday kana mid yahay xiddiga Gabriel Jesus.

Hadaba Liiskan waxa aan ku soo gudbin doonaa 10-kii saxiix ee ugu qaalisanaa ee ay sameeyeen kooxaha premier League suuqii xagaaga.

  1. Antony [Ajax – Manchester United] 86m
  2. Wesley Fofana [Leciester City – Chelsea] £69.5m
  3. Darwin Nunez [Benfica to Liverpool] £64m
  4. Marc Cucurella [Brighton – Chelsea] £62m
  5. Richarlison [Everton – Tottenham] £60m
  6. Alexander Isak [Real Sociedad – Newcastle United] £60m
  7. Casemiro [Real Madrid – Manchester United] £60m
  8. Lisandro Martinez [Ajax – Manchester United] £56.7m
  9. Erling Haaland [Borussia Dortmund to Man City] £52m
  10. Raheem Sterling [Man City to Chelsea] £50m

Waxa xusid mudan in lacagtan ayna ku jirin lacagaha gunooyinka ah ee lagu diro heshiiska laakiin yihiin lacagaha ay kooxdu sida tooska ah u bixiyeen.