Shaxda Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Saxiixyadii La Sameeyay Maalintii Ugu Dambaysay Suuqii Xagaaga.

Suuqii xagaaga ee 2022 ayaa si Rasmi ah u xidhmay waxana la soo saaray shax laga sameeyay xiddigihii lala kala wareegay maalintii ugu dambaysay suuqa xagaaga.

Xiddiga Antonty ayaa noqday xiddigii ugu qaalisanaa ee la dhamaystiro maalinta ugu dambaysa suuqa isaga oo United ugu biiray lacag dhan 100 milyan oo euro.

Laakiin sidoo kale waxa maalintii ugu dambaysay la dhamaystiray saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ku biiray kooxda Chelsea kuna laabtay London.

Sioo kale xiddiga Amine Gouri ayaa ku biiray kooxda Nice inkasta oo lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid kuwaas oo u doonayay badalka Karim Benzema ee mustaqbalka.

Xiddiga Athur ayaa sidoo kale ku biiray Liverpool halka xiddiga Akanji ku biiray kooxda Man City maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga.

Hadaba halkan hoose kaga bogo shaxda laga sameeyay saxiixyadii la sameeyay maalintii ugu dambaysay suuqa xagaaga.