Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo fashilmay iyo madaxda Dawlad goboleedyada oo deegaanadooda ku laabtay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maantay dib ugu laabtay  magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dib ugu laabtay maanta Baydhabo, iyadoo lafilayo in Qoor-Qoorna dib ugu laabto Dhuusa-Mareeb kadib markii uu qabsoomi waayey shirka madatasha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xassan Shiikh.

Dawladda Federalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ayaa isku fahmi waayey galka doorashada oo madaxweyne Xassan Shiikh uu doonayo inaysan wax door ah ku yeelan halka dawlad gobaleedyadu ay doonayaan inay u madax banaanaadaan qabsashada doorashada.

Shirka madasha ayaa qabsoomi waayay xiligii loo qorsheeyey, maqnaanshaha dawlad gobaleedyada qaarkood, iyadoo xalay Madaxweyne Xassan Sheekh soo saaray in uu diyaar u yahay wada hadal uu lagalo Puntland.

PUNTLAND POST.