Maxkamadda Racfaanka oo Maanta markale la hor keenay Eedeysane Sayid cali iyo marqaatiyaal cusub

Axad, April, 5, 2024 (AX) – Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay kiiska dacwadda loo heysto Sayid cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu Muqdisho ku gubay xaaskiisii.
Eedeysanahaan ayaa horay waxaa dil toogasho ah ugu xukuntay Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegtay in lagu helay dilka uu u geystay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis.
Fadhiga maanta waxaa Maxkamadda la hor keenay marqaatiyaal cusub oo ay ka mid yihiin shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee guriga tagay markii ay arkeen dabka iyo dhaqaatiirtii ugu horeysay ee loo geeyay Luul Sheekh Cabdicasiis ayadoo dhaawac ah, kuwaas oo sharaxay waxyaabahii ay arkeen.
Maqaatiyaasha cusub ee maanta waxaa ka mid aheyd Faadumo Abuukar oo daris la aheyd marxuumadda, waxayna Maxkamadda ka hor  sheegtay inay aragtay Luul oo gubaneyso oo  Ashahaadaneyso.
“Albaabka waxaa taagnayd marxuumad Luul oo Ashahaadeynao, isla markaana gubaneyso, waxayna dalbaneysay caawinaad” ayay tiri Marqaati Faadumo. Aniga waxay igu tiri eedo i caawi, kadibna sidaas ayaan ku qaadnay aniga iyo dad kale, waxayna igu tiri intii aan sii wadnay lmaheyga waa Agoon, haddana ma rajoobi doonaan walaley” ayay tiri Faadumo Abuukar.
Eedeysanaha oo dhankiisa Maxkamaddu weydiisay su’aalo la xariiray kiiskaan ayaa qirtay inuu shidaal soo iibsaday, islamarkaana dabka uu qabad siiyay guriga, isaga oo sheegay in ujeedkiisu uu ahaa inuu gubo alaabta taalay guriga.
Ugu dambeyntii fadhigii labaad ee dhageysiga kiiskaan waxaa soo xiray guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka oo sheegay in doodda ay sii socon doono fadhiga kalena lagu go’aamin doono dhageysiga dacwaddan oo si weyn indhaha ugu wada hayaan shacabka Soomaaliyeed.