Maxkamad ku taala Laascaanood oo xukun ku riday xad lagu eedeeyey inay xirteen calanka Somaliland

Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Sool ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta xukun ku riday 4 qof oo lagu eedeeyey inay xirteen calanka maamulka Somaliland.

Shaqsiyaadka la xukumay ayaa lagu magacaabaa Xamdi Cawil maxamuud, Nimco Jamaal Maxamed, khadar Cawil Cal iypCabdiwali Jaamac Xasan, waxaana midkiiba lagu xukumay saddex sano (3) sano oo xarig ah iyo ganaax dhan 500 oo doollar midkiiba.

Deegaanada maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxaan laga ogolayn in laga xirto wax astaan ah uu leeyahay maamulka Somaliland kaddib markii laga saaray deegaanadaas.

PUNTLAND POST