Shil ay galeen Kolonyada Amniga ee Madaxweyne Erdoğan iyo Khasaaro ka dhashay

Kolonyada gaadiidka ee ciidanka ilaaladda khaaska ee ammaanka Madaxweynaha dalka Turkiga  Rajab Dayib Erdoğan ayaa galay shil, waxaana shilkaasi la shaaciyay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sargaal katirsanaa ciidanka booliiska dalka Turkiga kana mid ahaa ilaalada madaxweynaha ayaa la sheegay in shilkan ku dhintay, waxaa sidoo kale shilkan ku dhaawacmay saddex qof oo kale, kuwaa oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Shilkan khasaaraha geestay ayaa ka dhacay degmadda Idil ee gobalka Şırnak ee K/Bari dalka Turkiga, waxa uuna shilkan yimid xilli madaxweyne Erdogan waday ololaha doorashooyinka dowladaha hoose ee ka socda Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdoğan ayaa dhambaal uu soo saaray ugu tacsiyadeeyay sargaalka shilka ku dhintay, waxa uuna caafimaad qab deg deg ah u rajeeyay dadka kale ee shilkan ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleWararkii ugu Dambeeyay Dagaal xooggan oo ka qarxay magaalada Baladweyne