Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal xooggan oo ka qarxay magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal xooggan, oo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka oo qarxay xalay saqdii dhaxe ilaa haddana socda ayaa u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamulka Hirshabelle iyo maamul cusub oo la magac baxay Hiiraan State.

Dagaalka ayaana ka socda aaga xerada loo yaqaan Lamagalaay oo xarun u ah Hiiraan State, waxaana rasaas culus oo labada ciidan is dhaafsanayaan laga maqlayaa aaga xerada Lamagalay ee dagaalku ka socdo.

Ciidamada maamulka Hirshabelle taabacsan ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayayaan in xerada Lamagalay iyo xarumaha kale ee maamulka ka saaraan ciidanka iyo maamulka Hiiraan State, halka ciidanka xerada ku jira iyana doonayaan in xerada sii heestaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya ayaa lasoo warinayaa in ay jiraan, waxaa sidoo kale aaga dagaalka ka socda barakac ka wada dadka shacabka ah ee halkaasi degan.

Magaalada Baladweyne ayaa maamulkeeda waxaa isku heesta labo maamul oo kala taabacsan Hirshabelle iyo Hiiraan State, waxaana laga cabsi qabaa dagaalka magaaladaasi ka qarxay in uu sii xoogeesto xilli bil barakeysan lagu jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –