Mareykanka oo meel mariyay sharci sababi kara in dalkaasi laga mamnuuco Tiktok

Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci horseedi kara in gabi ahaan dalka Mareykanka laga mamnuuco isticmaalka barta Tiktok, oo ay ku xiran yihiin malaayiin dadka Mareykanka ah.

Xildhibaanada ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay sharci dhigaya in shirkadda TikTok ay ku wareejiso hantida Mareykanka ee app-ka gaaban, ama ay wajihi doonto mamnuucid, taasoo ah khatarta ugu weyn ee App-ka soo wajahda tan iyo maamulkii Trump.

Shirkadda iska leh Appka Tiktok ee ByteDance oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa Mareykanka ku tuhmayaa in  xiriir dhaw la leedahay maamulka sare ee Shiinaha, waxa ayna shirkadda marar badan beenisay eedeymaha loo jeediyay.

Madaxweynaa dalka Mareykanka Joi Biden ayaa sheegay in uu saxiixi doono si sharcigan u hirgalo haddii xafiiska loogu keeno, waxaana tallaabadan laga yaabo in Mareykanka looga mamnuuco isticmaalka Tiktok walaac ka muujiyay dadka isticmaalka bartaas.

Donald Trump ayaa horey ugu fashilmay in Mareykanka ka mamnuuco isticmaalka Tiktok uu isku dayay marar badan , hasa ahaatee Trump ayaa hadda kasoo horjeestay ansixinta sharcigan cusub , waxa uuna sheegay in arrintan Facebook ka faa’iideysan doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –