Shiikh Aadan Madoobe oo mar kale la kulmay Mucaaradka Laftagareen (Muxuu kala hadlay)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta K/Galbeed.

Waxaa uu kala hadlay dardargelinta wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed ee ka socda magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arrinsanaayo hanaanka geedi socodka nabada iyo sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Al-Shabaab.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Koonfur galbeed ayaa la sheegay iney saluugsan yihiin qaabka uu dhexdhexadinta u wado Shiikh Aadan Madoobe oo ay aaminsan yihiin inuu janjeero Dhinaca Laftagareen oo haatan ku guda jiro muddo kordhintii uu sameystay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay ururada haweenka Degmada Baydhabo, Gobolka Baay iyo ururada bulshada rayidka.

Ururka Haweenka iyo kuwa bulshada rayidka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku ammaaneen dadaalka horumarineed ee bulshada iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxaana ay tilmaameen in lagu guuleysan doono gogosha taala magalada Baydhabo si dadka deegaanka ay u heleen nabad iyo xasilooni.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa haweenka Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ku amaanay in ay laf dhabar u yihiin hana-qaadka dowladnimada dalka, iyagoo haweenka Soomaaliyeed mudan yihiin in loo mahadceliyo si ay u xoojiyaan kaalintooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –