Dil loo geystay Mid ka mid ah ciidanka beesha la wareegtay Laascaanood

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil xalay magaalada Laascaanood loogu geystay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhayloos kaasoo ka mid ahaa maleeshiyada beesha la wareegtay Laascaanood.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Xamdi oo ay degan yihiin Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland kuwaasoo halkaas ugu sugnaa maalmahanba dejinta xiisada ka taagan magaalada.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya cida geysatay dilka wiilkan dhalinyarada ah oo la sheegay inuu hbeysnaa, qaarkood waxay sheegayaan iney dileen ciidamada Somaliland ee ilaalada ka haya Hotel dayax ka dib markii ay ka shakiyeen, halka warar kale sheegayaan inuu dilay nin kale oo ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka la wareegay magaalada.

Warar la wareejinaayey baraha bulshada ayaa sidoo kale sheegaya in qofka dilka geystay ay qabteen maleeshiyada gacanta ku heysa inta badan magaalada Laascaanood.

Xalay ilaa saaka ayaa siweyn waxaa siweyn Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool looga dareemay dilka loo geystay Axmed Dhayloos, waxaana xusid mudan in Magaalada ay ku sugan yihiin Wasiiro katirsan Xukuumadda Somaliland.

Dilka xalay Magaalada Laascaanood loogu geystay Axmed Dhayloos oo ka mid ahaa dadka waday kacdoonka ka dhanka ah Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli magaalada uu ka socdo Shir looga hadlayo mustaqbalka Gobolka Sool, sidoo kalena weli aan xal laga gaarin xiisada ka taagan Magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –