Kooxaha Lacagta Ugu Badan Galiyay Premier League Suuqii Xagaaga

Waxa si Rasmi ah u xidhmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxuhu haatan diirada saarayaan xilli ciyaareedkooda.

Sidii caadada ahayd kooxaha premier Legaue ayaa wacdaro ka dhigay suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo suuqa galiyay lacag badan galiyay.

Kooxda chelsea ayaa gaar ahaan ahayd kooxda wacdaraha dhigtay suuqa iyaga oo lacagta ugu badan galiyay kadib markii ay 278.4 milyan euro suuqa galiyeen.

Waxa ku xigta kooxda Man United kuwaas oo laftoodu aan wacdaro yar dhigin isla markaas suuqa galiyay lacag dan 227.4 milyan euro.

Waxa ku xigta kooxda West Ham kuwaas oo suuqa galiyay lacag dhan 179.15 milyan euro halka ay Tottenham ku xigto isla markaas suuqa galisay lacag dhan 172 milyan.

Hadaba halkan hoose sawirka kaga bogo Liiska kooxaha lacagta ugu badan galiyay suuqa kala iibsiga xagaaga.