Puntland: Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Galgala

Shan askari oo ka tirsan ciidamada PMPF ee Puntland ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waa ku dhaawacmeen, kaddib markii gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ay miino kula kacday deegaanka Sugure ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Askartii ku dhaawacantay weerarkaas oo la soo gaarsiiyay magaalada Boosaaso ayaa la dhigay goobaha caafimaadka, halkaasoo lagu daaweynayo.

Ma jirto cid weli sheegatay qaraxan, hase yeeshee buuraleyda Galgala waxaa tan 2010-kii dagaal ku dhex marayey ciidamada Puntland iyo koox ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST