Cristiano Ronaldo Oo Ka Xanaaqsan Qaab Ciyaareedka Erik Ten Hag.

Xiddiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsanayn tababare Erik ten Hag iyo qaab ciyaareedkiisa.

Ronaldo oo xagaagii hore Man United ugu soo biiray 13 milyan oo euro ayaa dhaliyay 24 gool 38 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, 37 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa isku dayay inuu ka tago Old Trafford horaantii xagaagan si uu u sii wato ka ciyaarista UEFA Champions League.

Ka dib markii uu ku guuldareystay inuu u dhaqaaqo kooxaha sida Chelsea, Bayern Munich iyo Atletico Madrid xiddiga reer Portugal ayaa haatan kaydka u fadhiya Man United.

xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or-ka ayaa kaliya ku bilowday 4 kulan oo Man United tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya hal kulan ku bilowday premier League.

Sida laga soo xigtay The Times, Ronaldo iyo Ten Hag ayaa isku dhaca dhinaca fikradaha maadama ay ku kala duwan yihiin arintaas iyada oo uu Ronaldo aaminsanyahay in uuna tababare Ten Hag kooxda ku ciyaarsiinayn shax ka soo saari karta qaab ciyaareed fiican.