Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Is Bar-Bardhiga Lagu Sameeyay Saliba & Van Dijk.

Mikel Arteta ayaa meesha ka saaray is barbardhigga la is barbardhiggay William Saliba iyo Virgil van Dijk, wuxuuna ugu baaqay daafaca Arsenal inuu ‘shaqadiisa iska leeyahay’.

Saliba ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxda kadib amaah uu kaga maqnaa xilli ciyaareedkii hore waxana uu dhamaan ciyaaray kulamada Gunners ee Premier League xilli ciyaareedkan.

Tani waxay keentay qaar ka mid ah taageerayaasha iyo khabiirada, oo uu ku jiro Jamie Carragher oo Saliba bar-bar dhigay daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk ka hor kulanka ay labada daafac iska hor iman doonaan Axada kulan ka tirsan premier League.

Arteta ayaa la weydiiyay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka in xiddiga reer France uu gaari karo heerka van Dijk.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay halka uu joogo xilligan. Isagu waa Saliba, ma aha qof kale, wuxuuna u baahan yahay inuu xirfaddiisa iska samaysto,” ayuu Arteta ku jawaabay.