Muxuu Xassan Shiikh ku soo arkay degaanka Masaajid Cali Guduud? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo kormeeraya qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada dalka looga saarayo Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dardargaliyo howlgalda gobolkan looga sifeynayo Al-shabaab isla markaana uu dhiirrigeliyo ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ee dagaalka kula jira kooxdaas.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay Saraakiisha hoogaamisa ciidamada ee guulaha kasoo hooyay dagaalka ayaa adkeeyay in loo guntado criribtirka kooxaha argagixisada ah iyada oo laga duulayo qorshaha dalka looga saarayo Al-shabaab.

“Halkaan waxaan idin kugu imid in aan idinkaga mahadceliyo nafhurnimada iyo dhabar adeyga aad muujiseen, si aad dadkiinna uga dulqaaddaan heeryada kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta. Dowladdiina iyo dadkiinuba waxa ay ku faraxsanyihiin kuna faanayaan guulaha aad ka gaarteen cadowga kaliya ee maanta dalkeennu leeyahay. Waa in aan waqti kooban ku gaarno deegaanada kale ee ay weli dadkeenna ku dhibaateeyaan.”

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in deegaanka Masaajid Cali Guduud iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah sida Saldhigga Booliska, xarumaha Waxbarashada iyo  Caafimaadka.

Safarkan Madaxweynaha waxaa ku wehliya Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –