Iran oo Ceeb laga naxo ku tilmaantay go’aan ay soo saartay Q/Midoobay (Sawirro)

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa khamiistii go’aan ku gaadhay in la dhiso hawlgal cusub oo baadhiseed oo lagu baaro xakamaynta Iran ee mudaaharaadyada waaweyn ee dalkaasi ruxay tan iyo bishii Sebtembar.

25 mudane ayaa ogolaatay, lix mudane, halka 16 mudane ay ka aamuseen.

Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa ku farxay ka dib markii natiijada uu akhriyay guddoomiyaha golaha, waxaana sacab ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta.

Wakiilka Tehran ee shirka Geneva Khadijeh Karimi ayaa mar sii horaysay ku eedaysay dawladaha reer galbeedka inay golaha xuquuqul insaanka u adeegsadaan bartilmaameedka Iran, tallaabadaas oo ay ku tilmaantay “wax laga naxo oo ceeb ah”.

Dibad baxyada ka socday dhowaanahan dalka Iran ayaa ka dhashay markii ay dhimatay haweeney booliska gacantooda ku jirtay oo loo haystay xijaabka oo ay si aan munaasab ahayn u qaadatay.

Tehran waxay sheegtay rabshadaha ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof halka boqolaal kalena ku dhaawacmeen.

Booliska dalka Iran waxay sidoo kale sheegeen tan iyo markii ay billawdeen mudaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Iran ay xireen dad gaaraya 700 oo qof oo ay ku jiraan 60 haween ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –