Hanti dhawraha Qaranka oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka (Sawirro)

Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Barlamaanka JFS.

Hantidhawraha Guud ayaa kulanka intii uu socday waxa uu warbixin kooban oo ku aaddanayd waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay Warbixinnada Sannadlaha 2021 ee dhawaan la soo daabacay la wadaagay xubnaha Guddiga Maaliyadda ee BJFS.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu lafa-guray dardargelinta dadaallada lagu saxayo khaladaadka uu soo bandhigo Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo kaalinta Guddiga Maaliyadda ee ku aaddan la-xisaabtanka hay’adaha dawladda ee ay sida gaarka ah u khuseyso.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xili Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya uu daabacay warbixin sannadeedka 2021 ee xaaladda Maaliyadeed ee dawladda Soomaaliya.

Warbixintan hanti-dhowraha ayey ka muuqdaan khaladaad dhinaca maaraynta kharashaadka dawladda, qandaraasyada, iyo maamulka lacagaha soo galaya iyo kuwa ka baxaya, iyo weliba kabka miisaaniyadda.

Hanti-dhowraha ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameeyey 29 isugu jira wasaarado, iyo hay’ado dawladeed oo kale iyo laba safaaradood. Waxa uu sheegay in miisaaniyadda sannadkii 202-ka ay ahayd $666 milyan oo dollar laakiin baaritaankan uu ku sameeyey $382 milyan oo dollar.

Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda maaliyadda ay lacag dhan $96,365,574 iyo dul-saarka daymeed oo dhan $14,605,118 ka daynsatay Bankiga Dhexe ee Somaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyadoo amaahdas ay u baahnayd inuu baarlamaanku ansixiyo, hanti-dhowrku aanu arkin isla markaana aan la siinin wax caddaymo ah oo muujinaya in amaahdaas uu baarlamaanku oggolaaday, ama heshiisyada amaahda ee la galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –