Maxkamadda Degmada Hargeysa oo Xukun ku Ridday Haweeney Danbi Diiniya Gashay

Hargeysa (Dawan) Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa shalay xukun saddex sano oo xadhig ah ku ridday haweeney la sheegay in Allaha weyn ee khaaliqa ah ay “cayday”.

Sidoo kale laba haween ah oo kale ayaa lagu riday xukun mid hal sano iyo lix bilood oo xaridh ah kuwaas oo lagu helay falal dhaqan xumo ah.

Geesta kale waxa uu ciidanku faray qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, inay ka fogaadaan dhaqada aan wanaagsaneyn ee ka hor imanaya Diinteena Suuban.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland, Haweenkaan ayaa dhawaan waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada booliska.

Warka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa u dhigna sidan.

“Maxkamadda degmada Hargaysa ayaa saddex sannadood oo xadhiga ku xukuntay Haweenay dhawaan Ciidanka Boolisku gacanta kusoo dhigeen oo ku eedaysanayd inay ILLAAHEY cayday.

Waxaa  sidoo kale sannad iyo Lix bilood lagu xukumay laba dumara  oo la socday, kuwaasi oo iyaguna ku eedaysanaa dhaqamo xun-xun.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu  bulshada ugu baaqayaa inay ka fogaadaan dhaqamada noocaasa ee kasoo horjeeda Diinteenna suubban”