Shirka Amniga Badda oo Hargeysa oo lagu Qabtay

Hargeysa (Dawan) Shir ay siwada jir ah u soo qaban qaabiyeen xafiiska xidhiidhka amniga baddaha ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland iyo EUCAP, ayaa ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xil weyn la isaga saarilahaa sugida amniga badda dheer ee Somaliland iyo xeebaheeda.

Shirkan waxa ka soo qaybgalay  dhammaan daneeyayaasha arrimaha badda oo ay ka mid yihiin wasaaraddaha, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Badda, hay’addaha, ciidamadda kala duwan ee JSL iyo Jaamacaddaha bixiya aqoonta culuumta badda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo  iskaashiga caalamiga ah ee JSL, Mudane Axmed Abokor Maxamed, ayaa shirkan si rasmiya u daahfuray, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay shirkani, waxaanu hoosta ka xariiqay sida ay mihiimka u tahay in talo laga wada yeesho xaalada ka soo korodhay Badda-cas iyo badbaadinta deegaanka

Geestooda waxa iyagu khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha sidii amniga badda looga shaqaynlaha ka jeediyay Abiib Axmed Xirsi Agaasime ku-xigeenka xafiiska xidhiidhka amniga Badda iyo madaxa hay’adda EUCAP ee Somaliland mudane Poul Severinssen, waxaaney soojeediyeen in siweyn looga feejignaado waxkasta oo badda waxyeelo ku ah.