Xukuumadda Somaliland iyo DDS oo kala Saxeexday Heshiisyo Muhiim ah

Jigjiga (Dawan):-Xukuumadda Somaliland iyo xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan is-dhexgalka dhallinyarada iyo ciyaaraha labada dhinac.

Heshiiskan waxa siwada jir ah u kala saxeexday wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax iyo madaxa xafiiska wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad degaanka Soomaalida Mudane Maxamed Mahdi Aadan.

Heshiiskan labada wasiir kala saxeexdeen waxa goobjoog ka ahaa tababare Jaamac Aadan (Jaamac Karaaciin) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha JSL.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax iyo wafti ku wehelinaya socodkiisa ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlo shaqo u joogay magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Heshiiskan ay wada galeen masuuliyiinta ciyaaraha ee Somaliland iyo Dawlad degaanka Soomaalida, ayaa wax weyn ka tari doona horumarinta dhallinyarada.





Previous articleMaxkamadda Degmada Hargeysa oo Xukun ku Ridday Haweeney Danbi Diiniya Gashay
Next articleMadaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Kooxda kubbadda cagta ee Qurbajoogta Reer Somaliland ee UK