Weerar culus oo mar kale lagu qaaday xarumo kuyaalla Galhareeri iyo khasaaro ka dhashay

Weerar culus oo dhinaca cirka ah ayaa xalay mar kale diyaarado dagaal waxa ay ka fuliyeen xarumo kuyaalla degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay maamulaan dagaalyahannada Al Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ciidan ayaa sheegay in la duqeeyay guri ay sheegeen in ay degnaayeen saraakiil iyo xubno katirsan Al Shabaab iyo sidoo kale goob keyd hub u aheyd Al Shabaab.

Dadka degmada Galhareeri ayaa laga soo xigtay in xalay maqleen jugta gantaalo culus oo kusoo dhacay qeybo kamid ah degmada iyo qaraxyo ka dhacay goobaha la duqeeyay, waxa ayna dadku sheegeen in aysan ogaan karin khasaaraha ka dhashay duqeynta dhacday.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale baahisay in weerarka xalay ka dhacay degmada Galhareeri uu khasaaro xooggan kasoo gaaray Al Shabaab, waxa ay sidoo kale sheegeen in dhulka lala simay xarumo ay lahaayeen Al Shabaab.

Weerarkan xalay ka dhacay Galhareeri ayaa noqonaya kii labaad oo maalmo gudahood ka dhaco degmadaasi, waxaana habeeno kahor la duqeeyay xarumo Al Shabaab lahayaeen ay ku jirto Idaacada Al Andulus, waxaana weerarkaasi ku dhintay xubno la sheegay in ay saraakiil iyo dagaallamayaal ahaayeen iyo dad kale oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –