Galmudug oo Shaacisay Magacyada Xubnaha golaha Deegaanka ee Balanballe (Magacyada)

Wasaaradda arrimaha gudaha, federalka iyo dib-u-heshiisiinta ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday liiska iyo magacyada xubnaha golaha Deegaanka ee Degmada Balanballe.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug ayaa lagu soo bandhigay magacyada 21-xubnood oo kusoo baxay xubnaha golaha deegaanka ee matalaya degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa ku mashquulsan dhismaha gole deegaan ay yeeshaan degmooyinka maamulkaasi , waxaana horey gole deegaan loogu dhisay degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo kuwa kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleJocob Zuma oo Xabsiga laga sii daayay kana hadlay waxa uu dareemay markii la daayay