Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Uu Erling Haaland Ku Dhaawacmay Kulankii Copenhagen?

Waxa saacadihii ugu dambeeyay soo baxay warar sheegaya in uu xiddiga Man City ee Erling Haaland ku dhaawacmay kulankii Copenhagen ee Champions League.

Pep Guardiola ayaa badal ku sameeyay xiddiga intii lagu jiray nasashada qaybta hore ee ciyaartii ay Man CIty xasuuqday kooxda Copenhagen kana tirsanaa champions League.

Taageerayaasha ayaa is waydiiyay sababta uu Guardiola badalka ugu sameeyay xiddiga qaybta nasahsada xilli uu soo baxay warar sheegaya in uu xiddigu dhaawacmay.

Laakiin Saxafiga Jack Gaughan ayaa sheegay in uuna xiddigu dhaawacmin intii uu socday kulankii Copenhagen ee tartanka champions League.

Haaland ayaan xitaa kaydka fadhiyin markii badalka lagu sameeyay laakiin waxa uu garoonka soo galay dhamaadkii ciyaarta si uu saaxiibadii ula dabaal dago guusha kulanka.