Graham Potter Oo Walaac Ka Muujiyay Dhaawacii Soo Gaadhay Xiddiga Wesley Fofana

Chelsea ayaa wajaheysa sugitaan walaac leh si ay u ogaadaan heerka uu gaarsiisan yahay dhaawac jilibka ah ee soo gaadhay daafaca kooxda ee Wesley Fofana kulankii ay xalay ka badiyeen AC Milan.

Xiddiga 70-ka milyan ku fadhiya ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee chelsea laakiin ciyaarta dhaawac uga baxay kadib markii uu dhaawacmay kulanka.

Kadib dhamaadka ciyaarta ayaa la arkay xiddiga oo ku boodaya biro waxana laga shakisan yahay in uu xiddiga soo gaadhay dhaawac halis ah.

Fafana ayaa dhawaan ka soo kabsaday dhaawac halis ahaa oo ka soo gaadhay jilibka kaas oo uu garoomada uga maqnaa muddo saand ah.

Tababaraha Blues ee Graham Potter ayaa wal-wal ka muujiyay xaalada dhaawac ee Fofana xilli ay kooxdu sugayso baadhitaanka lagu samaynayo xiddiga.

“Weli ma garanayno inta uu le’eg yahay dhaawacu laakiin taasi waa midda niyad jabka ah ee fiidkii”

“Waxa lagu samayn doonaa baadhitaan laakiin waan ka wal-walsanahay ilaa haatan waxba kama sheegi karo laakiin xaaladiisu ma ahan mid fiican”ayuu sii raaciyay.