Ciidamada Amaanka Koonfur Galbeed oo howlgalo lagu qaaday isbaaroyin ka sameeyay degmada Bardaale

Arbaco, May, 8, 2024 (AX) – Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ku guuleystay iney qaadaan isbaarooyin badan oo yaalay gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay oo gaarayay ilaa 10 jidgooyo.
Ciidamada amaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahii lasoo dhaafay gudaha degmadaas ka waday howlgalo ay ku doonayeen iney ku qaadaan isbaarooyinka u  yaalay gudaha degmadaas maleeshiyaad hubeysan oo deegaankaas kasoo jeeda.
Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Baay oo ku sugan degmada Bardaale ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin cid walba oo isbaaro dhigato, islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan.
“Qof walba oo isbaara dhigta waxaa u furan in la dilo ama inuu isaga wax dilo, wax loo dul qaadan doono hada kadib majiraan mana aqbali doono isbaaro lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah” ayuu yiri Taliye Amiin Madruur.
Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay u joogay degmada Bardaale xal u helida dhibaatooyin ka dhashay isbaaroyinka yaalay degmadaas ayaa sheegay in lagu guuleystay qaadista dhamaan isbaarooyinkii yaalay degmada.
“Maleeshiyaadkii jidgooyooyinka u yaaleen qaar way isa soo dhiibeen qaarna duuleedka magaalada ayay u baxeen waxaan ugu baaqaya iney isa soo dhiibaan oo aysan ku fikirin dhibaateyn kale, jidgooyo dambe lama aqbali doono” ayuu yiri Wasiir Xasan Cabduqaadir.
Howlgaladaan guuleystay ee lagu qaaday isbaarooyinkii badnaa ee yaalay gudaha degmada Bardaale ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay degmadaas ay ka jirtay xiisad u dhaxeysay maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka isbaarooyinka u yaaleen.