Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay cadadka deynta uu ka cafiyay Naadiga Paris Club

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska, ku soo gebagebay wada-xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeesheen waddamada ku middoobay Naadiga Paris ( Paris club).

“Iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa aanu toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris kala saxeexanay heshiis lagu dhaafayo dentii ay Soomaaliya ku lahaayeen” ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan Cige.

Talaabadani ayaa ka dhigan in Paris Club ay dhaafeen xaddi deyneed oo ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC, waxaana xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo ay Dowladda Soomaaliya la geli doonta wadamada Naadiga.

PUNTLAND POST