Mareykanka oo ka hor yimid qorshe cusub oo uu shaaciyey Raisul Wasaaraha Israel

Maraykanku ma taageeri doono hawlgallada milatari ee Israa’iil ka damacsan tahay degaanka Rafah ee magaalada Gaza hadii aysan jirin qorshe dhab ah oo badbaadinaya in ka badan milyan rayid ah oo barakacayaal ah sida uu sheegay ku-xigeenka afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel.

“In la sameeyo hawlgalkan oo kale hadda iyada oo aan wax qorshe ah iyo fikir yar laga samayn aag ay gabaad kaga jiraan hal milyan oo qof waxay noqonaysaa masiibo,” ayuu yiri Patel.

Waxaa uu sheegay in Maraykanku aanu taageeri doonin hawlgal milatari oo noocaas ah iyada oo aan la qorshayn “maadaama ay la xiriirto in ka badan hal milyan oo qof oo halkaas gabaad ku ah iyo sidoo kale iyada oo aan la tixgalinayn saamaynta ay ku yeelanayso gargaarka bini’aadantinimo iyo bixista nabdoon ee muwaadiniinta ajaanibka ah”.

Patel ayaa intaa ku daray in xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu arrintan si cad ugu sheegay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu shirar uu Arbacadii kula yeeshay Israa’iil .

Mar la weydiiyay halka ay in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool Rafah ay aadi karaan, maadaama aysan ku laaban karin waqooyiga Gaza iyo dhaqdhaqaaqa militari ee ka socda koonfurta, Patel wuxuu yiri, “Su’aalahan waa su’aalo sharci ah oo aan aaminsanahay in Israel ay ka jawaabto”

Patel ayaa ku andacootay “Weli maanu arag wax caddaynaya qorshaynta halista ah ee hawlgalkan ee Rafah.

Netanyahu wuxuu si cad u sheegay Arbacadii in “ciidanka Israel ay isku diyaarinayaan inay ka dagaallamaan Rafah.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay masiibo bini’aadantinimo haddii ciidamada Israa’iil ay gudaha u galaan magaalada Rafah, halkaas oo ay gabaad ka dhigteen boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah.

– Advertisement –