Maraykanka oo ku dhawaaqay bilowga hawlgal caalami ah oo ka dhan ah weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas

Published: December 19, 2023

War qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha gaashaandhiga Lloyd Austin ayuu ku sheegay in weerarada isa soo taraya ee Xuutiyiinta ay halis ku yihiin isu socodka ganacsiga xorta ah, khatarna galinayaan badmareenada aan waxba galabsan.

“Tani waa caqabad caalami ah oo u baahan in si wada jir ah wax looga qabto, sidaas darteed, waxaan maanta ku dhawaaqayaa in la aasaasayo howlgalka, oo ah hindise cusub oo caalami ah oo ay ku mideysan yihiin ciidamada isku dhafka ah ee badaha iyo hoggaanka Task Force 153, kaas oo diiradda saaraya ammaanka badda cas,” ayuu yiri Austin.

Hawlgalku waxaa ku mideysan 10 waddan oo ay ku jiraan UK, Bahrain, Canada, France, Italy, Holland, Norway, Seychelles iyo Spain.

Waxaa xusid muddan in isbaheysigan aysan ku jirin dalalka saaran badda cas iyo gobalka.

Waxay ujeedadeedu tahay in si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha amniga ee koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyada oo ujeedadu tahay in la xaqiijiyo xorriyadda socdaalka iyo xoojinta amniga gobolka, sida uu sheegay Austin.

Weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ayaa sare u kacay ka dib iska horimaadka Qaza oo billowday horraantii bishii Oktoobar.

Horseed Media