Ciidanka Dowladda oo saakay la wareegay Deegaanno Al Shabaab heesteen

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaanka ayaa saakay la wareegay deegaanno dhaca koonfurta gobolka Mudug oo horey u joogeen dagaalyahannada Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in Al Shabaab saakay ka saareen deegaannada Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali Xayloow kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee koonfurta Mudug.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya in wali uu socdo howlgalka ay ku baacsanayaan xubnihii Al Shabaab ee laga saaray deegaannada hoostaga Caad, waxa ayna xuseen in qorsheenayaan in guud ahaan Mudug laga saaro Al Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa guulo badan ka gaaray dagaalka gobolka Mudug, waxa ayna ciidamada gacanta Al Shabaab ka saareen deegaanno badan oo gobolkaasi ka joogeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleTirada guud ee dadka Falastiiniyiinta ah ay xasuuqeen ciidamada Israa’iil oo la shaaciyay