Siciid Deni oo diyaarinaya qaban-qaabadii u danbaysay ee daah-furka ololihisa dib-u-doorashada

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan qaban-qaabadii u danbaysay ugu jira daah-furka ololihiisa doorashada 2024.

Guddi gaar ah oo musharrax Siciid Deni u qaabilsan ololaha dib-u-doorashada ayaa wakhti xaadirkan abaabulaya diyaarinta munaasabadda uu ku daah-furayo ololihiisa.

Wararka ayaa sheegaya in guddiga ololaha dib-u-doorashada ay ku jiraan shakhsiyaad aad ugu dhow madaxweyne Deni oo uu kamid yahay walaalkiis Xasan Cabdullaahi Deni.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ololaha dib-u-doorashada Deni uu diiradda saarayo buun-buuninta waxqabadkii dowladda ee mudda xileedkan dhammaadka ah.

PUNTLAND POST