Maraykanka oo Israa’iil ugu baaqay in aysan jawaab celin ka bixin weerarkii Iran

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Israa’iil in ay is xakamayso, isla markaana ay ka fogaato in ay weerar jawaab celin ah ku qaaddo Iran.

“Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo, iyo inaan ilaalino danahayaga gobolka” sidaas waxaa sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken.

Israa’iil ayaa u muuqata in ay go’aansatay in ay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan.

Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa xaqiijiyay in ay weerarka Iran jawaab ka bixin doonaan wuxuu sheegay in Iraan ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhashay weerarkii ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallaha.

Milateriga Israa’iil faahfaahin kama bixin nooca jawaabta ah ee ay bixinayaan, inkasta oo afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil  uu sheegay inay tallaabadaas qaadi doonaan marka ay go’aamiyaan wakhtiga.

PUNTLAND POST