Haweeney loo magacaabay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika

Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo lagu magacaabo Caroline Mwende Mueke ayaa loo magacaabay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika (EAC), kaddib markii Xoghayihii hore ee ururkaasi xil kale loo magacaabay.

Dowladda Kenya ayaana shaacisay in Caroline Mwende ay badeleyso Xoghayihii hore ee EAC Peter Mathuki oo xilkaas hayey tan iyo 2021, waxaana Peter dhawaan Madaxweynaha dalka Kenya u magacaabay in uu noqdo safiirka cusub ee Kenya u fadhin doona Ruushka.

Magacaabista Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika Caroline Mwende Mueke ayaa lagu ansixin doonaa kulan aan caadi ahayn oo madaxda dalalka ku bahoobay EAC ay ku yeelan doonaan khadka fogaan-aragga Isniinta soo socota , sida warbaahinta Kenya baahiyeen.

Axdiga EAC ayaa qodobka 67 (1) waxa uu dhigayaa in Xoghayaha Guud dalkiisu hawl qaran uga baahdo ka hor inta uusan dhammeysan muddo xileedkiisa uu dalkaas soo magacaabanayo qofkii beddeli lahaa Xoghayaha booska banneeya.

Haweeneydan Kenyan ah ee noqoneysa Xoghayaha cusub ee Beesha Bariga Afrika (EAC) ayaa horey ula soo shaqeysay hay’addo kala duwan oo Qaramada Midoobay katirsan, waxa ayna noqoneysaa qofkii saddexaad oo u dhashay dalka Kenya oo xilkan qabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDowladda oo bilaabeysa Dagaal cusub oo ka dhanka ah Al Shabaab iyo ciidamo furumaha…