Madaxweyne Xasan Sheekh oo la siiyay tallooyin uu uga hortagi karo damaca guracan ee Itoobiya

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay talooyin togan oo ku aadan damaca Itoobiya iyo tallaabooyinka habboon ee loo baahan yahay in Madaxweynuhu qaado, si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya.

C/raxmaan C/shakuur ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha illaa todobo qodob oo ay ka mid yihiin inuu dhiso Gole Difaac Qaran, Xukuumad badbaado Qaran oo aqoon, xirfad iyo waayo aragnimo lagu xulay, in dhaqse u xusho Ergo iyo kaadir diblomaasiyadeed oo ka shaqeeya danteena qaran ee dunida nooga jira, dhinacna uu iska dhigo dhaqankii hore ee qabiilka iyo qof qancinta lagu bixin jiray xilalka diblomaasiyadda.

– Advertisement –






Previous articleGeed in ka badan 125-sanno Maxbuus ku ah Pakista iyo Sababta loo xiray (Sawirro)