Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo sheegay in aysan marnaba dagaal la geli doonin Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa aanu dagaal marnaba la gali doonin Soomaaliya, iyagoo doonaya galangal ay u helaan bad iyo deked.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa aan looga shakin karin inay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya iyo in kale, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu yiri, “Sida Ethiopia ay uga go’antahay midnimada iyo nabadda Soomaaliya waxaanu ku muujinay dhiigga, iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaheenna qalabka sida.”

Waxa uu sheegay Abiy Axmed in tobanaankii sanadood ee u dambeeyay ay Ethiopia baadi doonka nabadda Soomaaliya ku weysay kumanaan ciidan ah – oo aanu jirin- dal kale oo naf hurnimadaa u sameeyay.

Hadalkan ayuu ra’isul Wasaare Abiy ka sheegay kullan muddo afar maalmood ah uga socday Addis Ababa xubna Golaha Dhexe xisbiga talada haya ee Ethiopia.

PUNTLAND POST