Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay furto Machad lagu barto culuumta dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Talyaaniga ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey qorshaha dowladda ee horumarinta dalxiiska, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in la furo machad lagu barto culuumta dalxiiska, taas oo qeyb ka ah mashruuca heer qaran ee dib u soo nooleynta dalxiiska iyo in la abuuro fursado shaqo oo ay ka dhalinyarada ka faa’iideystaan.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa sidoo kale Safiirka Talyaaniga uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarka adeegyada kala duwan ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Coppi ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya sameyneyso, dowladdiisuna ay si buuxda u garab taagan tahay hawlaha muhiimka ah ee ay hayso Dowladda Soomaaliya, isagoo dhanka kalena xusay in Talyaaniga uu taageersan yahay madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –