Jamie Carragher Oo Xiddig Arsenal U Ciyaara Bar-Bar Dhigay Virgil Van Dijk.

Jamie Carragher ayaa si weyn u amaanay daafaca kooxda Arsenal ee William Saliba isaga oo is barbar dhigay daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk.

Daafaca reer France ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Arsenal tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxda bilowgii xilli ciyaareedkan.

Saliba ayaa ciyaaray dhamaan 8 kulan ee premier League isaga oo kooxda ka caawiyay in ay badiso 7 kulan oo ka mid ah.

“Arsenal, isku dhafka William Saliba iyo saxiixa Gabriel Jesus ayaa sare u qaaday qaab ciyaareedka kooxda xilli ciyaareedkan”ayuu Carragher U Sheegay Telegraph.

“Saliba waa daafac dhexe oo casri ah, waxa uu la qaab ciyaareed yahay Van Dijk, waa xiddig orod badan, awood leh waliba si dhib yar u joojin kara weeraryahanada”.

“Waa run in ay wakhti hore tahay in Saliba la bar-bar dhigo Van Dijk maadama uu Van Dijk muddo dheer saamayn weyn ku yeeshay Liverpool laakiin waxa uu Arsenal ku yeeshay saamayn deg-deg ah”ayuu sii raaciyay.