Miyuu Andrew Robertson Diyaar U Yahay Kulanka Arsenal? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Andrew Robertson uu seegi doonaan kulanka Arsenal Axada ee Premier League sabab la xidhiidha dhaawac.

Xiddiga Andy Roberton ayaan ciyaarin kulamada kooxdiisa tan ilaa kulankii Napoli ee champions League ee bilowgii bishii hore kadib markii uu kulankaas ku dhaawacmay.

Robertson ayaa haatan garoomada ka maqan wax ka badan muddo bil ah sabab la xidhiidha dhaawac jilibka ah waxana uu seegay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Xiddiga reer Scotland ayaa bilaabay orodka kun dhaw in uu soo laabto laakiin Klopp ayaa xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka Arsenal ee Axada.

“Andy Robertson waa ordayaa, waxa uu ku dhawyahay in uu soo laabto laakiin ma ciyaari doono kulanka Arsenal”.

Xiddiga Kostas Tsimikas oo kulamadii ugu dambeeyay ku bilowday shaxda Liverpool ayaa la filayaa in uu sii haysto booska kana ciyaaro kulanka Arsenal.