United Oo Daafaca Ka Ishaaratay Horyaalka Talyaaniga

Man United ayaa isha ku haysa dalaab ay ka geeyaan daafaca Inter Milan ee Denzel Dumfries

Inkasta oo uu Diogo Dalot si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan, hadana Manchester United waxa ay doonaysaa in ay kooxdeeda gaarsiiso heerka xiga, waxa ay doonayaan in ay ku fikiraan in ay booskan sare u qaadaan.

Sida bogga Clasico Mercto laga soo xiganayo United ayaa si dhab ah dooneysa in jiilaalka dalab ka geeyaan daafacaas reer Holland

Ka hoos shaqaynta saaxiibkiis reer Holland Erik ten Hag waxay noqon kartaa rajo soo jiidasho u leh Dumfries.

Ten Hag ayaa doonaya in daafac iska xoojiyo si looga fogato ceebtii kulankii City oo kale xilligaas oo ay qaabileen 6 gool inkastoo kulanka uu ku dhamaaday 6/3