Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo soo bandhigay Hantidiisa gaarka ah

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa u gudbiyay guddiga dhexe ee doorashada (CEC) hantidiisa iyo cadeynta dakhligiisa inuu yahay musharax madaxweyne.

Sida ku cad dukumeentiga lagu daabacay website-ka CEC, Putin wuxuu heysta lacag cadaan ah oo gaaraysa  67.5 milyan rubles ($ 756,000) lix sanno gudahood, 2017-2022.

Madaxweyne Putin waxa uu bayaanka ku tilmaamay in lacagtan ay ka soo gashay mushaharkiisa, dakhliga ka soo gala kaydadka bangiyada, hawlgabka milatariga iyo iibinta hanti.

Putin, waxaa kalo uu leeyahay hal guri (77 mitir oo laba jibbaaran) iyo garaash (18 mitir oo laba jibbaaran) oo ku yaal magaalada Saint Petersburg, waxaa kalo u leeyahay saddex gaari.

Hoggaamiyaha Ruushka  waxa uu leeyahay 10 akoon oo bangi oo ay ku jiraan 54.4 million rubles ($610,000), 230 saami oo mid ka mid ah ayuu yahay bangiyada ugu waaweyn Ruushka — Sberbank.

Doorashada Madaxtinimada ee Ruushka ayaa la qorsheeyay inta u dhaxaysa 15-ka ilaa 17-ka March, waxaanay noqonaysaa doorashadii madaxtinimo ee ugu horaysay ee saddex maalmood ah taariikhda Ruushka.

PUNTLAND POST