Hordhac: Man City Vs Aston Villa: City Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Villa

Kooxda Man CIty ayaa marti galin doonta kooxda Aston Villa kulan ka tirsan todobaadka 6-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Etihad Stadium.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadho guushoodiii 5-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo kaliya hal kulan badiyay isla markaas la kulmay 4 guuldaro ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Kulanka: Man City Vs Aston Villa

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Aston Villa ayaan wax guul ah ka gaadhin Man City 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League iyaga oo waliba guuldaro kala kulmay city 7-dii kulan ee ugu dambeeyay waliba laga dhaliyay 22 gool halka ay iyagu dhaliyeen kaliya 5 gool.

Kooxda Man City ayaa badisay 14 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee ay kala kulantay Villa ay ahayd mid dhacday sanadkii 2013.

Kooxda Aston Villa ayaa laga badiyay 15 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay la ciyaartay kooxda difaacanaysa horyaalka marka laga reebo guushii 7/2 ahayd ee ay ka gaadhay Liverpool bishii october 2020.

Kooxda Aston Villa ayaa laga badiyay 4-tii kulan ee xilli ciyaareedkan waxana ay ku jirtaa xilli ciyaareedkeedii ugu xumaa ee taariikhdeeda tan ilaa 1997.