Hordhac: Everton Vs Liverpool : Reds Rikoor Guulo Ah Ayay Ku Leeyihiin Toffes

Liverpool ayaa kulan adag waxa ay la leeyihiin kooxda ay xifaaltamaan ee Everton , waxa ayna kulankaan galayaan iyadoo niyadda u dhisan tahay

Xogta Kulanka

*Everton waxa ay badiyeen kaliya hal kulan 23-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaareen Liverpool , waxa uuna yimid February 2021 waqtigaas oo ay Anfield kala soo laabteen guul ah hal gool ah.

*Liverpool lagama badin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay banaanka garoonkooda kula ciyaareen Everton , sedex badis iyo 8 bar bar dhac aya wataan

*Kulamada labadaan koox ee horyaalka waxaa lagu qaatay 22 kaar cas.

*Everton ayaa sii ahaan karta guul la’aan mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee furitaanka garoonkeeda markii ugu horaysay tan iyo 2014-15 markaas oo uu hogaaminayay Roberto Martinez.

*Frank Lampard ayaa laga badiyay dhamaan afartii kulan ee Premier League ee uu kaga hor tagay  Jurgen Klopp, iyadoo kooxdiisa laga dhaliyay ugu yaraan labo gool mar kasta.

*Liverpool ayaa dhalisay 40 gool oo guul ah daqiiqadii 90-aad ee horyaalka Premier League, waxayna 12 gool ka badan tahay kooxaha kale.

Shaxda Liverpool ku soo bilaaban karaan :Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Carvalho; Salah, Firmino, Diaz