Hordhac: Real Madrid Vs Real Betis: Los Blancos Oo Isha Ku Haysa Guusheedii 4-aad Oo Xidhiidh Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Real Betis kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Santiago Bernabue.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guushii 4-aad oo xidhiidh ah horyaalka iyo in ay sii dheeraysato guulaha La Liga.

Dhinaca kale kooxda Betis ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay joojiyaan guulaha Los Blancos ee horyaalka La Liga.

Kulanka: Real Madrid Vs Real Betis

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 5:15

Garoonka: Santiago Bernabue.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Real Betis 4-tii kulan ee ugu dambeeyay La Liga (2 guul iyo 2 bar-baro) iyaga oo shabaqooda ka ilaashaday 3-dii kulan ee ugu dambeeyay kaliya hal mar ayay Betis shabaqooda ka ilaashadeen 4 kulan oo xidhiidh ah.

Kooxda Real Madrid ayaan wax guul ah ka gaadhin Real Betis marka ay joogto garoonkeeda Bernabue 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga (3 bar-baro iyo 2 guuldaro) waxana ay bar-barayn karaan rikoodhka guul la’aanta ee koox ay ku marti galiso garoonkeeda oo ah 6 kulan.

Real Betis ayaa Real Madrid ka ilaashatay shabaqeeda 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida u noqotay Real horyaalka La Liga, waxana ay noqotay kooxda kaliya ee Real 5 kulan ka ilaashatay shabaqeeda.

Kooxda Real Madrid ayaa guul gaadhay 3-dii kulan ee ugu horeeyay ee horyaalka La Liga markii 6-aad ee qarniga 21-aad, Real Madrid ayaa ku guulaystay horyaalka La Liga 5 ka mid ah 7-dii sano ee ay guul gaadhay 3-da kulan ee ugu horeeya.