Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Dowladda hoose uga mahadnaqay Gurmad ay u fidiyeen

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa dawladda hoose ee Hargeysa uga mahad-naqay sida wanaagsan ee ay gurmadka uga gaysatay daadadkii roobka oo gudaha u galay dhismayaasha golaha, kuwaasi oo khatar galiyay.

Waxaanu qiray inay hawl baaxad leh ka qabteen hawshaasi iyo sidii loo furdaamin lahaa.

Guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa sheegay inay talooyin u soo jeediyeen masuuliyiinta golaha deegaanka Hargeysa, si loo maareeyo khatarta biyaha roobka ee galay xarunta Baarlamaanka, waxaanay ku taliyeen in dhismayaasha qaar in la dumiyo, kuwaasi oo caqabd ku ah halkii ay biyuhu mari lahaayeen.

Geesta kale waxa uu sheegay inay dhankooda la qaateen oo ay dumiyeen dhismayaasha qaar si loo helo meel ay biyuhu maraan.

Gaba-gabadii Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan dawladda hoose ee Hargaysa xiliyada roobabka si looga badbaado in daadadku waxyeelo gaystaan.





Previous articleWakhtiyada Halista Caabitaanka Biyaha!
Next articleWasiirka waxbarashada iyo Guddoomiyaha Imtixaanaadka oo hortagey Guddida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiillada