Benjamin Netanyahu oo tagay Gaza kana hadlay arrin ay ka codsadeen Askartiisa

Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil  Benjamin Netanyahu ayaa booqasho qorsoodi ah oon horey loo dhaacin ku tagay qeybo kamid ah magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa uuna halkaasi kula kulmay qaar kamid ah ciidamada Israa’iil.

Benjamin Netanyahu ayaana soo arkay xaalada ka taagan qeybo kamid ah magaalada Gaza, waxa uuna ogaaday in uusan dagaalka u sahlaneyn sidii markii hore filayeen , isagoo uuna xusay in ciidankiisa dagaal adag kula jiraan Xamaas.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in dagaalka ka socda magaalada Gaza uu sii socon doono muddo dheer , waxa uuna xusay in dagaalka hadda socda uusan ogaan karin dhamaadkiisa maadaama xaalka sidii ay horey u maleenayeen uu ka duwan yahay.

Waxa uu sheegay in askarta Israa’iil uu kula kulmay magaalada Gaza ka codsadeen in dagaalka magaalada Gaza ka socdan uusan joogsan ilaa laga gaarayo dhammaadka duullaanka gardarada ah ay ku qaadeen magaalada Gaza.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil ayaa imaanaya xilli  xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka sheegay in Israa’iil qasab ku tahay in ay yareeyaan duqeymaha xad-dhaafka ah ay ku leenayaan shacabka magaalada Gaza.

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu met with combat soldiers at the Gaza border on Thursday October 19, 2023 and said to them, we are going to win with all our might. Netanyahu asked the solders if they were ready and they responded with: yes, until victory, speaking as the ongoing Israel-Hamas war continued. The war began on October 7 after Hamas militants stormed into Israel, and Israel vowed to destroy the Palestinian militant group. (GPO/EYEPRESS)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleGuddoomiyaha GEDAN oo xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay London (VIDEO NEWS)