Sargaal ciidan oo lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasayo iyo qoyskiisa oo diyo qaatay

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu aaso Sayid Cali Cabdi oo katirsanaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka, kaa oo dhawaan lagu dilay iska hor imaad ka dhacay gurigiisa oo kuyaalla degmada Boondheere.

Sargaalkan ayaa la sheegay in ay dileen ciidamo kale oo katirsan dowladda oon la shaacin cidda amartay, waxa uuna sargaalkan oo maalmo dhaawac culus ahaa ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaal lagu daweenayay.

Dhimashada sargaalkan ayaana sababtay in magaalada Muqdisho qeybo kamid ah ehelkiisa ka dhigaan dibad-bax rabshado watay, waxaana markii dambe arrintan ku baxay oo dadka dejiyay xildhibaannada beesha Abgaal uu kasoo jeeday sargaalka la dilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay xalisay dilka loo geestay sargaalka, waxa ayna qoyska sargaalka la dilay la siiyay lacag gaareysa 45-kun oo dollar oo diyo ah , sida uu qiray aabaha dhalay sargaalka ciidan ee la dilay.

Aabaha sargaalka la dilay ayaa sheegay in xal laga gaaray dilka wiilkiisa, waxa uuna sheegay in qoys ahaan ay qaateen diyo ayna maanta duugayaan wiilkooda dhintay, isagoona u mahadceliyay xildhibaanada Mudulood ee xaliyay arrintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –