Ciidamada Maamulka SSC-khaatumo oo Maanta lagu bilaabay Hannaanka Diiwaan-gelinta Casriga ah

Ciidamada kala duwan ee Maamulka SSC-khaatumo ayaa Maanta oo ku beegan 14 March 2024 lagu bilaabay diiwaan-gelin rasmi ah.

Guddiga Diiwaan-gelinta Taliska guud ee Ciidamada SSC-khaatumo ayaa Saaka bilaabay Diiwaan-gelinta dhammaan Ciidamada kala duwan ee Maamulka SSC.

Guddiga qaabilsan Diiwaan-gelinta Ciidamada SSC ayaa laga soo xigtay in ay sidoo kale diiwaan-gelinayaan guud ahaan Hubka iyo Gadiidka Dagaalka ee Ciidamada.

Hannaanka Diiwaan-gelinta Ciidamada SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay mid Casri ah oo askari walba xogtiisa oo dhammaystiran loo keydinayo Hab Digital ah islamarkaana Mushaarkiisa toos loogu dirayo.

PUNTLAND POST