USA: Booliiska oo xir-xiray ardayda taageerayey Falastiin ee Mudaharaadka ka waday Jaamacada Columbia, New York

Published: May 1, 2024

Booliiska Magaalada New York ayaa gudaha u galay qeyb kamid ah Xarunta Jaamacada Columbia oo ay ku jireen ardayda mudaharaadka uga soo horjeeday xaquuqa Israel ay ku wado shacabka Falastiin.

Ardayda ayaa maalin kahor la wareegay qeybta Hamilton Hall ee xarunta Jaamacada oo magacii ka bedaleen una bixiyey Hinds Hall. Magaca Hind ayaa kasoo jeeda mid kamid ah caruurtii ay ciidamada Israel ku xasuuqeen Gaza.

Ardayda oo sii wada mudaharaadka ayaa kasoo horjeeda in Jaamacadooda ay wax xiriir ah la yeelato Maamulka Israel ee xasuuqa ka wada dhulka Falastiin.

Booliiska ayaa xabsiga dhigay in ka badan 100 qof oo ka qeyb qaadanayey mudaharaadka.

Maamulka Jaamacada oo horey u diiday inuu xiriirka u jaro maamulka Israel ayaa ka codsaday Booliiska inay sii joogaan gudaha xarunta Jaamacada inta laga xirayo sanad-dugsiyeedka oo ku beegan bartamaha bishan May.

Inta badan gobalada dalka Mareykanka ayey ku fideen banaanbaxyada ay dhigayaan ardayda iyo waliba macalimiinta Jaamacadaha ee looga soo horjeedo xasuuqa Israel ka wado dhulka Falastiin, ardaydaasi oo qaar badan oo kamid ah xabsiyada la dhigay.

Horseed Media